Askari Ka Tirsanaa Ciidamada DFS Oo Lagu Dilay Afgooye

09 Juunyo, 2018

 

Afgooye – Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay fiidkii hore askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

Dilka askarigaasi ayaa la sheegay in uu ka dhacay Suuq qaadka lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askariga lagu dhuftay dhowr xabadood, islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.

Raggii ka dambeeyay dilkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray, iyagoona howlgallo tiro dad ah lagu soo qab qabtay ka sameeyay halkaasi.

Maamulka degmada Afgooye oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan dilka askarigaasi.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhayay falalka amaan dari ee ka dhaca Afgooye, iyadoonaa siyaabo kala duwan askar loogu dilay gudaha magaaladaasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply