C/raxmaan C/shakuur “Bayaanka ka soo baxay dowlad goboleedyada wuxuu xambaarsan yahay dhiilo culus”

 

17 Maajo, 2018

 

Hoggaamiyaha Mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay shirkii dowlad goboleedyada ugu soo gabagaboobay magaalada Baydhabo, isagoo shan qodob ku cabiray bayaankii ka soo baxay shirkaas.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in bayaanka ka soo baxay shirkaas uu xambaarsan yahay dhiilo culus oo u baahan in dowladda Federaalka ay dhegaha u furto.

Halkan hoose akhriso:-

Bayaanka ka soo baxay shirka dawlad goboleedyada wuxuu xanbarsaan yahay dhiilo culus oo u baahan in dawlada Federaalka ah ay dhegaha u furto. Waxaa ugu muhiimsan

1- Dawlada in ay fulin waysay heshiisyadii dhinaca Amniga ee horay loogu heshiiyey

2- In ay dawladii dhexdhexaadnimadii khilaafka Khaliijka ay ka baxday dhinacna la jirsatay.

3- Deeqaha la siiyo Federaalka in ay iyada soo dhaafin.

4- In Federaalku faragelinta ka daayo dawlad goboleedyada.

Waa fariin horudhac u ah ficil hadii aysan dawlada Federaalka falcelis togan ka qaadan.
– Jowhar News (Taariikhda Daabacaada: 16 Maajo, 2018)

Leave a Reply