Dowlada Germany oo Xukun ku riday nin ku eedeysnaa Al-Shabaabnimo

15 Maajo, 2018

 

SAWIRKA: DPA

 

Dowladda Germany ayaa xukun ku ridday Nin Soomaali ah oo lagu Magacaabo C/Qaadir, kaas oo lagu eedeeyay in uu ku biiray Al-shabaab.

C/Qaadir ayaa lagu eedeeyay in uu ku biiray Al-shabaab 2012kii, kuna tababartay xeryo Ciidan oo ay leeyihiin Al-shabaab, tabbaarkiisa ayaa lagu sheegay in uu ahaa adeegsiga Baskooladaha iyo Bambooyinka Gacanta laga tuuro.

C/Qaadir oo 20 jir ah waxaa lagu eedeeyay in isaga iyo 3 xubnood oo kale oo ay iskala tirsanaayeen AL-shabaab ay Masaajid ku yaalla Muqdisho ku dileen qof Masaajidka ka baxayay.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in C/Qaadir markii dambe loo xil saaray dilka shaqaalaha dowladda ee ka cunteynaya Maqaayadaha, waxaa uu toogtay mid ka mid ah shaqaalaha dowladda isaga oo dhaawacay.

Intaas kaddib AL-shabaab ayaa xirtay ilaa uu 2012kii ka baxsaday xabsiga AL-shabaab, islamarkaana galay dalka Germany, waaxaa dalka Germany lagu xiray Bishii Februay ee Sanadkii 2014kii. – Soomaalida Maanta

Leave a Reply