Shir U Furmay Madaxda Dowlad Goboleedyada

14 Maajo, 2018

 

Baydhabo (WBW: The GBM) – Waxaa lasoo sheegayaa in Magaalada Baydhabo uu maanta shir uga furmay Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dalka Soomaaliya

Madaxdaasi waxey kala yihiin: Madaxweynaha DGKG Shariif Xasan Shiikh Aadan, Madaxweynaha DGGM Axmed Ducaale Geele Xaaf, Madaxweynaha DGHRSH Cali Cabdi Waare, Madaxweynaha DGJL Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo Madaxweynaha DGBL Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Arrimaha ay ka wada tashanayaan, aa la sheegayaa iney ugu weyn tahay Siyaasada Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar.

Shalay bay aheyd markii ergo uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dhoofeysay Dalka Qatar, halka Madaxda Dowladda Goboleedyadane ay usoo duulayeen Magaalada axamedBaydhabo ay maanta ku shirayaan.

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]), wixii war ee kusoo kordho.

Leave a Reply