Ciidamada dowladda oo la wareegay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan

13 Maajo, 2018

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degmada Moqokori, kaddib markii ay isaga baxeen.

Ciidamada ayaa la sheegay inay gaareen koontaroolka magaalada, lamana soo sheegin wax iska caabin ama dagaal dhacay.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada oo howl gallo ka waday gobolka ay u suura gashay inay la wareegaan Moqokori.

La wareegitaankan ayaa la ogeyn waxa ay uga duwan tahay kuwii hore, iyadoo dhowr jeer oo hore gacan ku heynta degmadaas ay is bedeshay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa si rasmi ah isaga baxay Moqokori dhamaadkii sanadkii 2016, kaddib muddo ay gacanta ku hayeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada ciidamada dowladda ee ah inay la wareegeen Moqokori. – Jowhar News

Leave a Reply