Mareykanka Oo Shaqada Ka Joojiyay Saraakiil Ka Howlgaleysay Soomaaliya

12 Maajo, 2018

 

Washington – Taliyaha howlgalka Mareykanka ee AFRICOM u qaabilsanaa bariga Africa General Mark Hicks iyo taliye sare oo ka tirsan howlgalkaasi ayaa shaaqadii laga joojiyay, kadib markii lagu eedeeyay in ay fara xumeeyeen Haween ka tirsan howlgalka Mareykanka, sida uu sheegay TV-ga CNN.

Mr Hicks iyo shaqsiga kale ayaa la sheegay in 10–kii Bishani May shaqada laga joojiyay, islamarkaana loo dhoofiyay dalka Mareykanka, si baaritaan loogu sameeyo eedeymahaasi loo heysto oo uu CNN u xaqiijiyay Afhayeen ka tirsan milatariga Mareykanka, kaas oo lagu Magacaabo Major General Casey Osborne.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in uu faah faaahin dheeraad ah ka bixiyo Su’aalihii uu CNN ka weydiiyay eedeymahaasi, waxaana uu sheegay in baaritaano ay ku hayaan Kiiskaasi.

Taliyahani lagu eedeynayo in uu fara xumeeyay Haweenka ka tirsan milatariga Mareykanka ee Soomaaliya ayaa howlgalka u qaabilsanaa la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.

Lama oga ciqaabta ay muteysan doonaan Taliyeyaashaasi, haddii lagu helo eedeymahaasi loo jeediyay. – Shabelle Media Network

Leave a Reply