160 Sarkaal oo Booliska Uganda ka socda oo Muqdisho ku soo wajahan

 

22-06-2019

 

Boolis ka socda dowladda Uganda ayaa la qorsheynayaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, kadib markii tababar loogu soo gaba gabeeyay dalka Uganda.

160 Sarkaal oo ka tirsan Booliska dalka Uganda ayaa qorshaha uu yahay in dhamaadka Bisha July ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga mid noqdaan Hawlgalka Booliska Amisom ee Somaliya.

Guddi loo xil saaray qiimeynta saraakiisha Booliska ah ee Soomaaliya loo soo dirayo ayaa booqday xerada ay tababarka ku qaadanayeen ee Kabalye.

Taliye ku xigeenka Booliska Uganda ee qeybta Nabadda Benjamin Namanya, ayaa sheegay in saraakiisha Booliska ah ee ka socda dalka Uganda keenayo Soomaaliya dhamaadka Bisha July ee soo socota.

Militariga Amisom ayaa qorshaha wuxuu yahay in la dhiso tiradooda, taasi bedelkeedana la kordhiyo Ciidamada Booliska Amisom ee dalka la keenaayo.

Booliska Amisom ayaa inta badan tababaro waxa ay siiyaan Booliska dowladda Federalka Somaliya, xilliyada qaarna waxa ay ka qayb qaataan hawlgalada Muqdisho gudaheeda. – Universal TV Somali

Leave a Reply