Xafiiska Ra,iisul Wasaare Sharma,arke oo amar culus laga soo saaray Aqriso

wkdsomcccWarqad Qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dolwadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Warfaafinta lagu amray in ay dhowraan Xuquuqda Musharaxiinta.

Musharaxiinta qaar ee ku sugan Muqdisho iyo kuwa hada Dalka ku soo wajahan ee doonaya in ay u tartamaan xilka Madaxtinimo ayaa ka walaac ka muujiyay Amnigooda xilliga Doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa la filayaa dhowaan in ay ka dhacdo Doorasho, waxaana Doorashooyinka sida la qorsheeyay ay ka dhici doonaan Magaalada Muqdisho iyo xarumaha Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ku saxiixan Warqadan. – Nuxur

 

Leave a Reply