Diyaar Garowga Shirka Maamul u sameynta Hiiraan oo laga dareemayo Baladweyne

_57633325_somalia_hiiraanBaladweyne –  Diyaar garowga shirka Maamul u sameynta gobolka Hiiraan ayaa si weyn looga dareemay Magalaada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Magalaada Baladweyne ayaa waxaa ka socda kulamo iyo shirar wadatashi ah oo looga arinsanayo qaabka ugu haboon ee loo wajahayo shirka maamul u sameynta gobolka Hiiraan waxan kulamadan iyo shirarkan  ka qeyb galaya beellaha dega gobolka.

Ugaas Xassan Ugaas khaalif ayaa maalin ka hor Magalaada Baladweyne uga dhawaqay in  dhawan la dhisayo shir maamul loogu sameynayo gobolka Hiiraan islamarkana la sameyay dastuurkii lagu dhaqi laha maamul goboleedka.

dubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa gaabi ahaanba qaadacay shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeellaha dhexe oo dowladda Federaalka ay ka wado Magalaada jowhar.

Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Daba geed)  ayaa sido kale ka soo horjeestay qaaba dowlada Federaalka ay u wado shirka maamul u sameynta  ee ka socda Magalaada jowhar isago soo dhaweyay go’aanka dadka reer Hiiraan ay ku dhisanayaan maamul goboleedka  waxan u sheegay in garab tagan yahay.

Go’aankan  ay qaateen dubabka dhaqanka siyaasiinta,iyo waxgaradka gobolka ee maamulka loogu dhisayo gobolka Hiiraan ayaa dhabar jab weyn ku ah Xassan sheekh Maxamuud oo ku rajo weyn in maamul loo dhiso gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe. – Hiiraan Xog

Leave a Reply