Goodax “Duubabka dhaqanka waxay go’aan ku gaareen in Hiiraan maamul goboleed gaar loo sameeyo”

xild-cgbXildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda Shirka Maamul u sameynta Labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar ayaa ka hadlay qorshaha la doonayo in maamul gaar ah loogu dhiso Gobolka Hiiraan.

Goodax ayaa sheegay in qorshahan uu ahaa mid in muddo ah soo socday, isla markaana go’aan lagu gaaray in Maamul loo dhiso Gobolka Hiiraan

“Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan waxay go’aan ku gaareen in maamul goboleed gaar ah loo sameeyo Hiiraan”ayuu yiri Xildhibaan Goodax oo intaa ku daray in go’aanka Oday dhaqameedyada uu ahaa mid loo dhan yahay.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in shirka ka socda Jowhar uu yahay mid aan ka turjumeyn rabitaanka shacabka labada gobol, isla markaana qorshihiisa yahay in Xildhibaano lagu boobo, si doorashada soo socota dano gaar ah loogu fushado.

Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Siyaasiyiinta ayaa horay u diiday ka qeyb galka shirka Jowhar, waxaana ay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya iyo IGAD inay dooneyso in si qasab ah ku dhisto maamul dadka aysan raalli ka aheyn. – Jowhar Media

Leave a Reply