Banaanbax Siyaasadeysan oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

14355131_1011348055644651_6628823631913148466_nMuqdisho – Dadweyne Jadbeysan oo carada ay ka qaadeen iskudayga Kenya  uu damaca kaga galay Badda Soomaaliya ayaa  looga faa’ideystay in laga qeyb galiyo Banaanbax Siyaadeysan oo maamulka Gobolka Banaadir uga qeyb qaadanayo Ololaha Doorasho ee Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Duqa Muqdisho Yuusuf  Xuseen Jimcaale Madaale oo lahaa Abaabulka Dibadbaxaasi Siyaasadeysnaa laakiin inbadan Hooyooyinka iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qorraxda u soo istaagay Qiirada wadaniyadeed ee heysay ayaa hadal uu ka jeediyay Banaanbaxaasi waxa uu uga  faa’ideystay Ololaha Doorasho ee Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo horay isagu u sheegay haddii uu Xildhibaan Noqdo in codkiisa uu siinayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr Madaale ayaa  waxaa hadalkiisa ku dheehnaa Ereyo laab lakac iyo sumcad dil Masuuliyiin Soomaaliyeed oo u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ku dheehantahay sida dadka loogu suureeyo in cid aan ka ahaydn Madaxweyanaha 4-tii sano ee la soo dhaafay dalka maamulayay aanu wanaagsaneen.

Hase ahaatee Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo Musharrax Xasan  Sheekha ee ugu  Olololeynayay Duqa Muqdisho Dibadbixi maanta  in mar kale la soo doorto  uu igmaday in uu Korjoogto uga noqdo Dacwadda Maxkamadda Cadaaladda ee Magaalada Hague   uu igmaday ayaa meesha ka saaray hadallada la kar karinayo ee ku aadan  , Heshiis Badda Somaaliya lagu beeciyay amaba loogu Saxiixay Kenya uu jiro isagoo hoosra ka xariiqay in Kenya oo ka faa’ideysaneysay dowlad la’aantii Soomaaliya ay iskeed u caleemeysatay Xadka Biyaha Somaaliya iyo iyaga u dhexeeya midaasna ay dacwaddu salka ku heysa.

Dhawaan ayey ahayd markii Musharrax Madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeeyay in uu sameeyay isku day uu ku hor istaagi rabay Munaasabadda uu Musharraxnimadiisa ku soo bandhigay Siyaasiga Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Siyaasiyiinta Qaarna waxa ay ku micneeyeen in Ololo Doorasho darteed loogu Sumcad dilo Musharraxiinta inteeda kale ay tahay ka kalluumeysiga Biyo Calow ah.

Waa kuwaan qaar ka mid ah Dhalinyaradii Qorraxda u taagnaa Muujinta Dareenkooda ku aadan Damaca Kenya ee Badda Soomaaliya kuwaas oo aan ka warqabin Abaabulka maamulka Gobolka Banaadir ee qeybta ka ah Ololaha Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shabelle ayaa heshay warar lagu kalsoonaan karo oo ku aadan in Taageerayaasha Musharrax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir  ay ugu hoorreyaan cabsi xoogan ka qabaan qaar ka mid ah Mushrraxiinta sanadkaan u taagan doorashada , haba ugu horreeyaan Masuuliyiintii Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed taas oo keentay in la sameeyo abaabullo ka dhan ah dadkana loogu muujinayo in ay yihiin kuwa shaararkooda ay Wasaqeysan yihiin. – Shabelle Media Network

Leave a Reply