Soomaaliya oo ku gacan seyrtay doodda Kenya ee Badda

_91310206_89b23692-01e1-4a9c-abd9-3e9be00cd1efSoomaaliya ayaa u sheegtay garsoorayaasha maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda in Kenya ay dooneyso in muranka badda ee labada dal uu dabo dheeraado.

Waxay Soomaaliya ku dooday in labada dal ee saboolka ahi ay dani ugu jirto in si dhakhsa leh loo soo afjaro muranka xadeynta badda lagu muransanyahay oo la aaminsanyahay in uu hoos ceegaago keyd shidaal.

Soomaaliya waxay sheegtay inay xal ka doontay maxkamadda ka dib markii wadahadallada ay la gashay Kenya oo mararka qaar aad u kululaa ay natiijo keeni waayeen.

Soomaaliya waxay ku eedeysay Kenya in marar badan ay ka baaqsatay inay ka qeyb gasho wadahadallo labo geesood ah oo looga xaajoon lahaa xallinta muranka labada dal.

“Kenya waxay u muuqataa inay isku dayayso in murankan uu iska jiitamo islamrkaana ay is hortaagto in khilaafkan lagu xaliyo maxkamadda iyadoo ku gabaneysa heshiis aan xitaa qeexaynin qaabka loo sameynayo wadahadallada, ka hor inta aanba la isla gaarin xadeynta badda lagu mursanyahay, ayuu yiri, Alain Pellet oo ah mid ka mid ah qareenada Soomaaliya matalaya.

Kenya ayaa shalay soo bandhigtay qodobada ay ku doodayso, waxayna xoogga saartay in dib loogu noqdo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2009-kii.

Haseyeeshee Soomaaliya ayaa maanta ku dooday in heshiisaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.

Dhagaysiga ayaa khuseeya oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Balse dawladda Kenya ayaa su’aal galisay awoodda ay maxkamadda u leedahay in ay qaado dacwaddan oo ay sheegtay inay ka baxsantahay xeer-xeyndaabkeeda.

Dhageysiga wuu sii socon doonaa illaa iyo Jimcaha iyadoo maxkamadda ay go’aan ka gaari doonto inay dhageysan doonto dacwada ay Soomaaliya soo gudbisay iyo in kale.

– BBC Somali

Leave a Reply