Dhismaha maamul gobolleed looga dhawaaqay magaalada Beledweyne

baldweyneBeledweyne – Kulan ballaaran oo goor dhaw ka dhacay magaalada Beledweyne oo ay ka qeyb-galleen duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, maamulka gobolka Hiiraan, xidlhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa looga dhawaaqay dhismaha dowlad gobolleed uu yellanayo gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa ka inta badan duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, xildhibaanno, siyaasiyiin, iyo duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa ugu danbeyntii uga dhawaaqay kulanka dhismaha dowlad gobolleed uu yeellanayo gobolka Hiiraan.

Wixii warar ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

Isha: Shabakadda Hiiraan Xog

 

Leave a Reply