Dacwadda Muranka badda ee Dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo si rasmi ah u billaabatay

bada-720x340-696x329Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah uga furantay Maxkamadda Hague Dacwadda Wadamada Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta Muran Badeedka u dhexeeya labada dal.

Qareenada Kenya ayaa maanta soo bandhiganaya Doodooda ku aadan Sheegashada Biyaheena oo Kenya ay u hanqal taageyso.

Halka Qareenada Soomaalida iyaguna la filayo in maalinta beri ah ay soo bandhigtaan Doodahooda.

Kenya ayaa waxaa u doodayay Qareenno ka soo jeeda Dalka France kuwaas oo ku andacoonayay In Kenya ay leedahay Biyaha lagu muransan yahay.

Madaxweynaha Sooamaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Waqtigiisu dhamaaday ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan 1 mitir ka mid ah Biyaha Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay Kalsooni ku qabto in ay Saxantahay islamarkaana waxa ay ku doodayaan yihiin wax xaq ah.

Muranka badda ee u dhexeeya Dalkeenna Soomaaliya iyo Dalka Kenya oo in muddo ah soo jiitamayay ayaa waxaa Kenya ay isku dayday in Xaal mastuur ay kula garranto Soomaaliya laakiin Masuuliyiinta Soomaaliyeed ayaa midaas gaashaanka u daruuray Midaas.

Waxaana dhammaan umadda Soomaaliyeed oo in muddo ah aan arkin  dhul Soomaaliyeed oo loo doodayo maadaama dhul badan dalka ka maqan yahay ayaa u dheg raaricinaya Natiijada ka soo baxda Maxkamadda Hague dacwadda ay labada dowladood u qaadeyso. – Shabelle Media Network

Leave a Reply