WAR DEG-DEG AH: Qarax Lagu Dilay Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale

goobaale1-620x330Muqdisho – War lasoo gaarsiiyay Warbaahinta Banaadir Weyne waxaa lagu sheegay in qarax lagu dilay Taliyehii Qeybta 3aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale. Waxaa kaloo qaraxa lagu dilay qaar kamid ahaa ilaalada jeneraalka.

Qaraxa waxuu ka dhacay meel aan sidaa uga dheereen Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ee Muqdisho.

Argagixisada Alshabaab aa sheegatay dilka Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale, iyo ilaaladiisaba.

13-dii Nofeember, sanadkii 2014-tii ay eheed markii Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale uu ka badbaaday isku day dil ay la damceen Argagixisada Alshabaab, waxeyna markaasi kula damceen Deegaanka Maryan-Gubaay oo ku yaalla Duleedka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wixii war ah ee soo kordho, kala socda Warbaahinta Banaadir Weyne.

Leave a Reply