Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Soomaaliya Federaal Shaqo Kuma Lahan

wafdiga-musharixinta-baladweyne-6Baladweyne –  Ugaas Xassan Ugaas Khaliif  ayaa sheegay in Soomaaliya wax shaqo ah ku laheyn nidaamka federaalka, oo sidda uu hadalka u dhigay ah nidaam la doonayo in lagu sii kala jar jarto intii ka hartay Jamhuuriyada Soomaliya.

”Federaalka Soomaali shaqo kuma laha, Soomaali waa dadka isku af ah, isku diin ah, isku dhaqan ah, ciddii keentay dalkaa federaal wax la yiraah iyadaa og wexey ula jeeday, laakiin wax Soomaali anfacaya ma’aha wax aan shaqo ku leenahay ma’aha” ayuu yiri Ugaas Xassan.

Ugaaska ayaa sheegay in reer Hiiraan soo dhaweynayaan cid kasta oo Soomaali ah oo ka shaqeyneysa in isbadal dalkan uu ka her-galo, Isaga oo yiri” Dadku in ay meelin wax wadda gartaan suurtagal ma’aha, maxaa yeellay haddii ay dadku maaalin wax wadda gartaan wax laga shaqeeyo ayaan jireynin, shaqadana waa loo baahan yahay”’ ayuu yiri Ugaas Xasssan.

Ugu danbeyntii, Ugaaska ayaa uga mahad celiyay isbaheysiga isbadal sameynta safarkooda Magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in magaalada ay ku soo dhaweyn doonaan cid kasta oo Soomaali ah oo u damqaneysa dalka, dadka iyo diinta waana wajib nasaaran in aan ka shaqeeyno dana umada soomaaliyed ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

– Shabakadda Hiiraan Xog

Leave a Reply