Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Col Cabdulaahi Sabriye

after-20-years-of-civil-war-somalias-capital-mogadishu-finally-has-its-first-set-of-street-lights-feature1Muqdisho – Col. C/llaahi Sabriye Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka XDS ayaa Caawa lagu dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir sida uu Warbaahinta  u Xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad.

Allaha u Naxariistee Col  C/llaahi Sabriye Cabdulle ayaa la sheegay in ay dileen Koox Hubeysan kuwaas oo Goobta ka Cararay.

Dilka C/llaahi Sabriye Cabdulle ayaa ku soo aadaya Xilli Salaadii Maqrib ka dib Dagmada Waabari lagu dilay Fanaan ka tirsanaa Kooxda Onkod. – Hiiraan Xog

Leave a Reply