Caburin Uu Duqa Magaalada Muqdisho Uu Ku Hayo Dadka Diidan Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday

iakdjsomMuqdisho – Dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed oo ay wadaan Siyaasiinta Isebedel Doonka Ah isla markaana aad uga soo horjeedo Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte ayaa lagu soo waramayaa in Magaalo Madaxda Jahuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ay aad uga socdeen maalimihii lasoo dhaafay.

Hase ahaatee, Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseyn Jimcaale ayaa maanta ka dhawaajiyay inaanan la oggoleyn, lana oggolaan doonin wax Dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed ah oo ay wadaan Siyaasiinta Isebedel Doonka Ah isla markana aad uga soo horjeedo Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte.

Caburintan uu Duqa Magaalada Muqdisho uu ku hayo guud ahaan Daweynaha Muqdisho; iyo Siyaasiinta Isebedel Doonka Ah ee diidan Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ee waqitgiisa dhamaaday, aa waxey ka dambeysay kulan uu Yuusuf Xuseyn Jimcaale uu maanta u qabtay Guddoomiyeyaasha 17-da Degmo ee Muqdisho isla markaana uu ku amray in ay is-horistaagaan Banaanbax kastaa oo lagu diidayo Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte ama dhaq-dhaqaaq kastaa oo siyaasadeed.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday waxey ka wada tirsan ‘Ururka Damm-Jadiid: The Organization of the New Blood’ oo Talada Dalka Soomaaliya la wareegay sanadkii 2012-dii.

Sawirka kor ka muuqda, waa sawir hore oo la qaaday intii uusan midkoodna wax jago ah uusan ka qaban Dalka Soomaliya.

Wixii war ah ee soo kordho, kala socda Warbaahinta Banaadir Weyne.

Leave a Reply