Maleshiyaadka Al-Shabaab oo dib looga qabsaday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

3834-baardhere-01-500x207Ceelwaaq – Wararka aan ka helayno Deegaanka Ceelwaaq ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku guuleysteen in Maleeshiyada Al-Shabaab ay ka saaraan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ciidamada isbahaystay ayaa gudaha u galay degmada CeelWaaq,waxeyna ka saareen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo shalay weeraray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dadka degmadaasi ku sugan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo lahadlay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaana kuwa Kenya, iyo ciidanka dowladda Soomaaliya ay u diideen maleeshiyada Shabaab inay ku sii nagaadaan magaaladaasi oo Muhiim ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda magaaladaasi ay iminka tahay mid dagan, waxaana dib u bilowday isku socodka dadka, iyo guud ahaan ganacsiga magaalada, iyadoo amnigana ay si wadajir ah u sugayaan AMISOM iyo ciidanka dowladda Soomaaliya. – Somali Wayn

Leave a Reply