Kabixitaanka Dalka Biritaaniya (Britain) Ee Midowga Yurub Aa Bilaabanaya Bisha Febraayo Ee Sanadka 2017-da

donaldtusk-jpgBaratislaafa (Bratislava) – Guddoomiyaha Golaha Joogtada ee Midowga Yurub Donald Tusk aa lasoo sheegay inuu ka dhawaajiyay xiliga uu Dalka Biritaaniya uu bilaabayo ka xer-xerashada Ururka Midowga Yurub.

Donald Tusk wuxuu yri: “Aniga iyo Wasiir Koowaada Biritan Theresa May waxaan wadahadal ku yeelanay Magaalada London todobaadkii hore, waxeyna iigala hadashay arrimohaasi si ay daacadi ku jirto.” Waxaa kale ay sheegtayoo yiri ‘ineysan sanadkan suurta gal aheyn in la hirgeliyo Qodobka 50aad ee Heshiiskii Lisaboon (Lissabon).’

Si kastaba ha ahaatee, wax hadal ah oo ay Wasiir Koowaada Biritan Theresa May ay arrimahan katiri, aananba jirin tan iyo hadaa.

Isha: Wakaalada Wararka TT

Leave a Reply