Musharaxiin Ku Soo Wajahan Magalada Baladweyne Ee Xarunta Gobalka Hiiraan

musharaxiinBaladweyne – Magaalada Beledweyne ayaa lagu waddaa in saacadaha soo socda ay ka degaan tiradii ugu badneyd siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka dalka iyo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Siyaasiyiinta saakay la fillayo in ay halkaa gaaraan ayaa waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed Max’ed, duqii hore ee gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarsan, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Salaad Cali Jeelle, Axmed Macalin Fiqi, Cali Xaaji Warsame iyo in ka badan tiro kale oo badan oo isugu jira siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed oo magaca iyo maamuus ku dhax leh bulshada.

Siyaasiyiintan, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, maamulka gobolka iyo waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan oo ay kala hadli doonaan arrimaha siyaasada dalka iyo halka ay wax marayaan.

Safarkan ayaa imanaya xili maalintii shalay magaalada Jowhar uu booqasho ku tagay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xassan Sheekh Max’uud oo khudbad ka jeediyay madasha shirka Jowhar.

Naga fillo goor dhaw muuqaalka wafdiga lagu waddo in ay gaaraan magaalada Beledweyne.
Isha: Hiiraan Xog

Leave a Reply