Musharaxiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo gaaray Magaalada Baladweyne

 

????????????????????????????????????

Baladweyne —  Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Inkastoo aan weli la shaacin ujeedka Masharaxiintan iyo Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka ay u gaareen Baladweyne ayaa hadana waxaa wararka ay sheegayaan in kulamo kala duwan ay halkaasi kula qaadanayaa Ugaas Xasan iyo Odayaasha kale ee dhaqanka.

Mas’uuliyiintan iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa kulamo ay Saxaafada dibad joog ka tahay waxey ku leeyihiin Magaalada Baladweyne.

Warar ay heleyso Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in kulamada qaarkood xooga lagu saarayo in arimaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh.Dhexe loo madax baneeyo Dadka kasoo jeeda labada Gobol. – Shabelle Media Network

Leave a Reply