Muranka kuraasta Aqalka Sare oo heshiis laga gaaray

_91194907_madashashirkaShirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyay, iyadoo hogaamiyeyaasha ay sheegeen inay ka heshiiyeen qodobo la isku mari la’aa.

Qodobada ugu muhiimsan ee ku jira war-murtiyeedka laga soo saaray kulanka madasha, isla markaana ismari waaga ugu adag uu ka taagnaa ayaa ahaa habka lagu qaybinayo aqalka sare ee uu dalku yeelanayo markii ugu horreysay taariikhda dawladnimmada Soomaaliya.

Aqalka Sare

Waxay ku heshiiyeen in lagu celiya sidii lagu heshiiyay shirkii hogaamiyayaasha ee Muqdisho ka qabsoomay bishii April ee sanadkan kaas oo ahaa inuu noqda 54 kursi sida ku qoran dastuurka ku meel gaarka ah.

Somaliland iyo Puntland ay min 11 xubnood ku yeelanayaan aqalka sare, halka maamul goboleedyada kale ay helayaan min 8 kursi.

Gobolka Banaadir isaga lama sheegin wax kursi ah oo uu ku yeelanayo aqalka sare.

Shirka waxa dhamaadkiisa goobjoog ka ahaa madaxda dawladda federaalka, kuwa dawlad goboleedyada, iyo xubno ka socday bulshada caalamka.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa 18 qodob waxa kaloo lagu sheegay in la ansixiyay waajibaadka iyo awoodaha guddiga xalinta khilaafaadka, waxana isla markaas la dhisay lana ansixiyay guddiga.

Dhaqaalaha doorashada

Dhinaca miisaniyadda, waxay madaxda madashu ku rajo weyn yihiinin in beesha caalamku ay ka dhabayn doonto ballanqaadkii ahaa inay bixin doonto kharashaadka lagu maamuli doono doorashooyinka.

Waxaa lagu qiyaasay in ilaa iyo 50 milyan oo dolar ay ku bixi doonto qabsoomidda drooashooyinka, walina ma cadda halka ay lacagtaasi ka imaan doonto.

Hogaamiyeyaasha madasha ayaa hadda doonaya in xukumadda ay cadaasi ku saarto beesha caalamka soo sii deynta dhaqaalaha ay horey u ballanqaaday in lagu fuliyo doorashooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa kol sii horreysay dib u eegis ku sameysay miisanyadii 2016-ka, si loo eego surtagalnimada in miisanyidaasi laga maalgaliyo fulinta doorashooyinka dadban.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud ayaa ka sheegay gebagebadii shirka madasha sida ay hogaamiyayaasha Soomaalida uga go’antahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo isagoo ku booriyay dadka Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan dawladdooda.

– BBC Somali

Leave a Reply