Dagaal Beeleed Culus oo ka socda Duleedka Degmada Afgooye

dagaal-beeleed-1Afgooye — Dagaal u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka socda Degaanka Muuri ee Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen kuwa kale oo ku sugan Degaanka Muuri, oo qiyaas ahaan 13Km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Dadka Degaanka oo aan la xiriirnay ayaa sheegaya in Dagaalka uu xoogeysanayo, maadaama labada dhinac ay si aad ah u hubeysan yihiin.

Weli lama shaacin wax keenay isku dhanaca labadaasi maleeshiyo beeleed ee haatan ku diriraya Degaanka Muuri.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Dagaalkan ayaa adag in la ogaado maadaama uu weli   socdo.

– Shabelle Media Network

Leave a Reply