Madaxweynaha Jabuuti & RW itoobiya oo Gordhow gaaray Muqdisho

bwkwisoomMuqdisho – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo noqday Madaxweynihii u horeeyay oo ka socda IGAD ka soo dega garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaadanaya cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, iyadoo loo garaaci doono astaanta qaranka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afaraad soo gaaray Muqdisho shantii sano ee u dambeysay tan iyo sanadkii 2011.

Waxaa lagu wadaa in loo galbiyo Halka uu ka dhacayo Shirka oo ah Hotelka Peace oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan garoonka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku soo dhoweeyay Hotelka uu shirka ka dhacayo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa Muqdisho horay u yimid sanadkii 2012, maalintii la caleema saarayay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Itoobiya ayaa heysa hoggaanka Urur Goboleedka IGAD, shir madaxeedka goor dhow ka dhici doono Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay shir guddoomiyaan Itoobiya, kenya iyo Soomaaliya oo marti gelineysa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in 30 kadib uu furmi doono shirka IGAD, isla markaana ay si wanaagsan u socoto qaban qaabada shirka. – Hiiraan Xog

Leave a Reply