Codsi Ay Turkiya Gaarsiisay Mareykanka

gulen1280-jpg
Ankara – Waxaa lasoo wariyay in Dalka Turkiya uu ka codsaday Dalka Mareykanka in loo soo gacan-geliyo Wadaadka Fetxullah Gulen oo horay uu Madaxweynaha Turkiya Rajiib Tayip Erdoogan uu ugu eedeeyay inuu ka dambeeyay Afgembigii Turkiya ka dhicisoobay ee Bishii Luuliyo ee sanadkan.

Wadaadka Gulen waxaa uu Magangelyo Siyaasadeed uu ku joogaa Dalka Mareykanka tan iyo Gugii 1999-kii, waxaana la sheegayaa in Madaxweynaha Turkiya uu Sooqabashada Wadaadkan uu kala hadlay Madaxweynaha Mareykanka Baraak Obaama intii uu Shirka G20 uu kasocday Dalka Shiinaha. Hase ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu Madaxweynaha Turkiya uu ku wargeliyay in arrimahaasi ay yihiin dhinaca garsoorka isla markaana aanan looga hadli karin dhinaca siyaasada.

Isha: Wakaalada Wararka TT

Leave a Reply