Musharaxiinta oo saameyn ku yeeshay xirnaanshaha Waddooyinka Muqdisho

lugeys-xisbiyadaMusharaxiinta iyo xubnaha Xisbiyada siyaasada ayaa saameyn ku yeeshay xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho oo maanta meelo badan ay ka xireen Ciidamada ammaanka.

Ciidamada ayaa maanta oo jimco ah xiray waddooyin dhowr ah, taasoo saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ka mid aheyd goobaha xirnaa, Isgoyska KM4 illaa Isgoyska Zoope ayaa iyana xirneyd, waxaa kaloo maanta wax gaadiid ah galeyn wadada aada garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa iyana xirneyd qeybo ka mid ah wadada Wadnaha oo dadka iyo gaadiidka laga celinayay meelo qaar.

Ciidamada ayaa gaadiidka ka celinayay meelo badan, waxaana inkastoo maanta jimco aheyd dadkana ay ka nasanayeen shaqooyinka la dareemin wax culeys ah, hadana saameynta ugu badan waxaa uu ku yeeshay Musharaxiinta mucaaradka.

Sawirro la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinayay Musharaxiinta oo lugeynaya inta u dhaxeysa Hotelka Jaziira iyo KM4, dadka ayaa siyaabo kala duwan u hadal hayay arrintan.

Musharaxiinta oo maanta kulan ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa ku midoobay Isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxda waqtigooda dhamaanaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada tallaabooyin dhinaca ammaanka, kaasoo ujeedkiisa yahay in lagu sugo amniga Shir madaxeedka IGAD oo lagu wado in todobaadka soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.

Leave a Reply