Halis, hargeysa oo qaraxyo ka diyaargaroobeysa: ciidamo meelo gaar ah la soo dhoobay, hudheelo waaweyn oo bartilmaameed lagu sheegay

problemWaxaa caawa si weyn loo dareemayaa dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo ay ciidamada kala duwan ee Somaliland ka wadaan gudaha Hargeysa.

Tan iyo habeenkii xalay wax weyn ayaa iska beddeley dhaqdhaqaaqa dhanka amniga ee magaalada Hargeysa.  Sida ay shegeen ilo wareedyo kala duwan waxaa hay’adaha Amniga ee Somaliland lagu soo wargeliyey falal amni darro inay ku soo waajahan yihiin Hargeysa iyo Berbera.

Wararka ayaa muujiyey in habeenkii xalay si weyn loo baadhay agagaarka iyo gudaha Hudheel ay si weyn u adeegsadaan jiifkiisa dadka ajaanibta ah, taasoo lagu sababeeyey inuu soo baxay la tuhun ah  weerar isqarxin ah oo ku soo maqan hudheelada ay degaan shisheeyaha gaar ahaan kuwa u dhashay dalaka Reer Galbeedka.

Waxaa digniin la siiyey Shisheeyaha u shaqeeya hay’adaha ajaanibka ah iyo qaramada midoobey, waxaan ciidanku isku gadaamay agagaarka degaanka ay ka hawlgalaan wakiilada Dawladda Itoobiya.

Dadka qaar ayaa waxay ku sababaynayaan shakiga hadda ku yimi Xukuumadda Somaliland inuu ka dhashay Saamiyada dawladda Itoobiya laga siiyey Dekedda Berbera iyo hanaanka Diimoqraadiyadda oo qaangaadhay inay keeni karaan inay ku soo jeediyaan Kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalada ka wada Koofurta Somalia.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay Xukuumadda iyo Kooxaha Islaamiyiinta ah midnaba

Leave a Reply