Hadliye “Shir madaxeedka IGAD 13 bishan ayuu dhacayaa

danjireWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in shir madaxeedka IGAD uu Muqdisho ka dhici doono 13-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ee soo socota.

Shirka oo horay loo shaaciyay inuu dhici doono 10-ka bisha September oo ku beegan berri oo Sabti ah ayaa dib loo dhigay sababo aan la sheegin.

Wasiir Hadliye oo la hadlayay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in shirka uu dhici doono 13-ka bisha, isagoo xusay in Soomaaliya uu u yahay guul weyn oo u soo hoyatay, isla markaana Caalamka tusaya in Soomaaliya ka gudubtay dhibaatooyinkii ka jiray.

“Shir Madaxeedka IGAD 13 bisha ayuu dhici doonaa, waxaana Soomaaliya u tahay guul weyn in muddo 30 sano shir ka dhaco halkan 1974 ayaa ugu dambeysay shir madaxeed caalami ah oo ka dhaca Muqdisho, xilligaasoo Madaxda Midowga Afrika halkan ku shireen”ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Waxaa uu sheegay in 7-da Madax ee Urur goboleedka IGAD ay isugu imaan doonaan shirka waxaana uu xusay in ajandaha looga hadlayo shirka ay ka mid tahay xaalada ka taagan Koofurta Sudan sida uu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimada, iyadoo maanta ay xirnaayeen waddooyin muhiim ah oo dadka iyo gaadiidka loo diiday inay isticmaalaan.

Leave a Reply