Deris wanaagii iyo dabkii la shidey, dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya

ubah_adenUbax Cabdulaahi Aden
Wednesday, August 24, 2016

Hor u dhac

Waxaan halkan ku soo bandhigayaa dhacdo murugo iyo farxadba leh oo qoyskayagii soo gaartey biloowgii dagaalkii sokeeye ee Somaliya. Soo bandhigida sheekadan mudo dheer ayaan ka fakarayay muhiimka ay yeelan karto.
Anagoo dalka aduunka ugu fiican ku nool, baa qabiil qaxooti naga dhigey. Oo aduunka dacaladiisa nagu kala firdhiyay. Anagoo is dhalney baa qabiil isku kaaya direy. Anagoo deris ah oo dabka kala qaadano, baan mindiyo isku qaadaney, qabiil dartii. Anagoo is guursana, baa hadana is dilney. Anagoo saaxiibo ah bariis iyo baasto isla cuna, baa qabiil cadow isaga kaaya dhigey. Iyadoo inta iyo in ka badan oo dhib ah uu qabiil noo geystey, baa hadana weli isku maamuleynaa. Oo dowlada maanta waxey ku dhisan tahey nidaam qabiileed. Su`aasha is weydiinta mudan ayaa ah: Maxaa naga qaldan? Ma dadka aduunka ugu garashada liita nahney? Qabiil na kala diley, maxaan u sii wadanaa? Miyeynaan ku cilmi qaadan karin waxuu qabiil na badey oo ah dal baaba`ay iyo bulsho bur-bur tey?
Ulajeedada qoraalkan ayaa ah, maadaama dagaalkii Soomaaliya uu ahaa dagaal qabiil. Oo dal iyo dad-ba ay ku baa`baeen. Ilaa iyo hadana wax is cafin iyo is raali gelin fiican aysan weli dhicin, ayay igula muuqatey in ay munaasib tahey soo bandhigida waxii nagu dhacey. Si loo dareemo bini`aadanimada, naxariista iyo dhaqan wanaaga naga dhaxeeya. Waxaa dhici kara, in dhib kastoo dhaca uu dhaqan wanaaga iyo taariikhda laysla soo wadaagey, ay ka xoog badnaan karaan. Taana xal baan u arkaa. Dad baa naftooda u horey ilaalinta dhaqanka  wanaagsan. Dhimashadooda iyo taariikhdooda waa in ay qiimo yeelataa. Oo taariikhda ka mid noqdaan. Muujinta dadkii wanaaga sameeyay, waxa aan u arkaa in ay bad-baadadeena ay ku jirto maantey. Wanaagoo la badiyaa, xumaantey yareysaa.

Sheekada aan rabo inaan idinla wadaago sidaan bey u dhacdey:

Dagaalkii Soomaliya markuu dhacey, waxaanu ka mid aheyn dadkii ugu horeeyay ee Muqdisho ka qaxey. Waxaan daganeyn xaafada Madiino. Oo ka mid aheyd xaafadihii ugu dambeeyay ee uu dagaalku gadaal ka soo gaarey.

Waxaan xasuustaa intuu dagaalku bilowga ahaa, in dad badan oo qaraabo iyo ehel isugu jira, ay gurigayagii ku soo qaxeen. Ka dib markii uu xaafadahoodii dagaalku soo gaarey. Dadka markaa guriga isugu yimid, intey tiradii ka bateen, baa gurigii deeqi waayay oo deyrka iyo banaankii baa darmaha iyo joodariyada la dhigan jirey.

Waxaan kaloo xasuustaa in uu waqtigaa ahaa, waqti inteenii dhalinyarada aheyd faa`iido weyn ka helney. Oo cid howl noo dirsan jirtey ama naga war heysey ma jirin. Oo howl guri oo dhan waagaa waa ka fakaney.

Subax, subaxyada ka mid ah, markii la qoraacdey ayaa adeer Cabduqadir Allaha u naxariistee waxuu soo jeediyay in Madiino laga baxo, maadaama uu dagaalkii u soo dhawaadey. Aabo markaa Allaha u naxariistee dibada ayuu ku maqnaa. Waxaa la soo jeediyay in Afgooyo  la gaaro, oo halkaa la joogo ilaa inta ay xaalada Muqdisho iska badeli doonto. Subaxaa aan gurigeyna ka tageyno, ee 1991 waa subixii noogu dambeysey xaafadii Madiino. Xaafadii aan ku soo korney, magaaladii aan ku dhalaney iyo dariskii waalid iyo walaal noo ahaa. Maalintaa ayaa isu kaaya dambeysey.
Intii aan Afgooye uu sii soconey ayaa laga war heley in Afgooyana dagaalkii uu soo gaarey oo Kuntuwaarey baan u sii gudubney. Markaan Kuntuwaarey soo galneyna waxaan dagney bakhaar weyn oo ay daganaayeen dad kale oo iyagana ka soo qaxey Muqdisho.

kuntuwaareey

Aragtida aan Kuntuwaarey ka qabo ilaa iyo hada ayaa ah magaalo Ilaahey nimco iyo naxariis ugu deeqey. Dadku beeraley iyo xoolo dhaqato ayaa la isugu jirey. Waxa keliya oo ay magaaladaa ku xumeyd waxey ahayd ciida. Oo markuu roob yimaado, dhiiqo darteed lama socon karin. Kuntuwaarey sida Madiino qalbigeyga ugu taaal, ayay Kuntuwaareyna ugu taal.

Anagoo mudo halkaa joogney, baa ciidankii USC magaaladii soo galeen oo qabsadeen. Dadkii bakhaarka joogey intii baabuurta ku carari kartey, markiiba baabuurahey ku carareen.  In kale oo rag u badanaa magaalada duur-duurkeed bey ku carareen oo ku dhuunteen. Waxaa halkaa go`doon ku noqdey anaga oo dhowr qoys ka koobneyn.  Inteenii ku hartey meeshaa, waxaa la isugu jirey hooyooyin, caruur iyo dhalinyaro. Dhalinyarada intii ugu weyneyd fuustooyin ayaa lagu dhex ridey oo lagu qariyay. Dushana alaabooyin laga saarey. Qaar kalana darmooyin iyo joodariyaal ayaa lagu duu-duubey. Oo waa la qariyay. Waxaa laga baqanayay markaa in wiilasha la dilo, gabdhana la kufsado. Ilaah mahadii maalintaa wax dhib ah ma dhicin. Ciidankii noogu yimid bakhaarka waxey u badnaayeen dhalinyaro, oo qaar ka mid ah waxey noqdeen ciyaalkii xaafada. Waxey na weydiiyeen qabiilkeena. Waxaana u sheeganey inaan Dir iyo Isaaq nahney. Waxey na weydiiyeen inaan Faqash aragney? Waxaan ugu jawaabney in aynaan il iyo baar Faqash saarin. Maadaama uu bakhaarka ku yaaley meel istiraatiiji ah, askartii baa la wareegtey bakhaarkii. Laakiin waxey noo sheegeen, in hadaan rabno aan la degenaan karno.

Iyadoo nafta loo baqanayo ayaa la bilaabey in degaan cusub la raadsado. Ayeeyo Caasho Allaha u naxariistee ayaa intii aan bakhaarka daganeyn waxey is barteen mamo degaanka daganeyd oo reer Bicidyahan aheyd. Maamadaa gurigeedii baan isugu tagney kuligeen. Oo markaana gabadheedii u umushey. Anagoo gurigii wada dhooban, uuna ciriiri nagu yahey ayaa waxaa noogu yimid gabar Laylkase ah oo Abgaal u dhaxdey. Gabadhaa iyo odeygeeda magaalada waxey ka ahaayeen dad laga yaqaan. Iyagii baa wiilal noo soo direy oo noo furey guri weyn oo xafiis dowlad u ahaa magaalada. Dhowrkeenii qoys oo Dhulbahante iyo Leylkase isugu jirey, halkaa baan wada dagey.

Anagoo gurigii degan, ayaa waxaa noo yimid dhowr odeyaal oo Xawaadle ahaa. Markii lays bartey oo la sheekeystey ayay Xawaadlihii nagula taliyeen inaan u raacno magaalada dhinaca ay ka daganaayeen. Maamooyinkii oo u bogey guriga hada naloo furey, oo magaalada bartamaheeda ku yaal. Waa ku adkaatey in ay mar kale guuraan.  Laakiin waxey ka codsadeen odeyaashii in ay raadiyaan nimankii duurka ku cararey oo aan laga war heyn waxey ku sugan yihiin.
Odayaashii Xawaadle waxey soo jeediyeen in ay nimankaa raadin doonaan oo waxey helaana ay geyn doonaan meesha ay degan yihiin. Anagana ay dusha ay naga ilaalin doonaan.  Rag gaaraya 50 nin oo kala qabiilo gedisan ayay isku soo keenen. Oo ay ilaalin jireen. Anagana dusha ayay nagala socon jireen. Mar-marna guriga ayay noogu iman jireen.

Waxaan xasuustaa waagaa in maalintu ay aad u cabsi badnaan jirtey. Hadana uu habeenku ka sii  darnaa. Maalintii waxaa laga baqan jirey in lagu garto. Habeenkiina waxaan laga seexan karin qeylada, baroorta iyo xabada yeereyso. Qeylo marka hore maqleysaa, baroor baa ku xigta. Xabad baa dhaceysa. Waxii oo dhan hal mar bey isla aamusayaan. Hadana cabaar ka bacdi, sidii oo kale baa bilaaban. Qeylo, baroor iyo xabad laysku aamusinayo. Shanqar dambe maqli maysid in cabaar ah. Subixii markuu waagu baryo, ayaa dadka waa weyn magaalada hor aadi jireen, si hadii uu meyd jidadka u yaalo ay u asturaan.

Galbihiina, markuu dhulku mugdi yara noqdo, habeenkana uusan si fiican u bilaaban baa dhalinyarada loo diri jirey in ay ceelka biyo ka soo dhaamiyaan. Cabsida aan ceelka ka qaadey, ilaa iyo hada qalbigeyga waxey ugu qoran tahey sidii in ay shaley oo kale ay dhacdey. Xasuus aad iigu culus weeyaan. Ceelkaa waxuu ahaa god yar oo ciid dhiiqo ah ku wareegsan. Wax dhagax ah ama darbi ama alwaax la cuskan karo oo ku wareegsan ceelkaa ma jirin. Godkaa yarka ah baa 20. dhalinyaro oo wada cabsaneysa oo nin walbaa uu rabo inuu kan kale ka hor biyo shubto isugu iman jireen habeen walba. Dal-dalka biyaha layskama suganayo, oo hal mar baa 20 caag oo kala waa weyn godka loo wada tuuri jirey. Makaasey caagta isku mar-marmaan oo qaar baa go`i jirey oo ceelka ku dhici jirey. Ka dibna muran iyo xanaaq baa bilaaban jirey. Dhulku waa dhiiqo, lama qeylin karo cabsi darteed. Markaasaa lays riix-riixi jirey. Oo la simbiriirixdaa. Qaar baa intey dhiiqada ku siibtaan, ceelka qarkiisa laga soo qaban jirey.

Cabsidii iyo dilkii magaalada aad buu u soo badatey. Dusha ka ilaalintii Xawaadlana waxaan ka baqaney inaysan nagu filney. Ayaa maalin, waa qadar Alle, waxaa reerkii Dhulbahante na bareen dhowr wiil oo Duduble ahaa. Waxey u sheegeen wiilashii inaan Dhulbahante wada nahney. Habeen kastaa waxaa noo iman jirey labo wiil oo Duduble ah oo nala seexan jirey. Guriga deyrkiisa ayaa gogol loo dhigi jirey. Quraac iyo cashana waa leysla cuni jirey. Wiilashii Duduble waxey ahaayeen wiilal Ilaahey qurux iyo dherer ugu deeqey. Wiilal sheeko iyo kaftan badan. Maba moodid in la yahey, dad kala cabsanaya. Habeenkii markii laysla sheekeysanayo, inteenii yar-yarka albaabka duleelkiisa, meesha furaha la galiyo ayaan ka fiirsan jirney oo sheekada halkaa kala socon jirney.

Markey seexashadii Duduble noo bilaabatey, baa anagana cabsi noogu dambeysey. Maalin cusub baa noo bilaabatey. Duduble iyo xawaadle laa noqdey. Oo cid noo soo dhawaan karto ma jirto.
Habeen soon ah ayaa laga war heley in ciidankii Daarood uu u soo dhawaadey magaaladii Kuntuwaarey. Nimankii uu Xawaadluhu hayay ayaa go`aansadey in ay tagaan meeshii uu ciidankii Daarood joogey. Raggii Xawaadle ayaa wadada sii tusiyay nimankii oo sii gaarsiiyay ilaa meel dhexe. Habeenkii xigtey ayaa inteenii dhalinyarada aheydna go`aansaney inaan tagno. Laakiin odeyaashii Xawaadle wey noo diideen. Oo waxey soo jeediyeen in laga warsugo in nimankii nabad tageen iyo in kale. Iyadoo guriga la wada buuxo, oo la wada bulaamayo, Xawaadle-na uu diidan yahey in keligeen nala diro ayaa odey Isaaq ah oo magaalada daganaa soo jeediyay inuu isaga na raaci doona ilaa inta aan magaalada ka baxeyno. Taladaa waa la qaatey.

Habeenkii markii la afurey ayaa meel lagu balamey, la isugu yimid. Waxaan gaareyney ilaa dhowr iyo labaatan dhalinyaro ah. Odeygii Isaaq ayaa wadada nasii tusiyay, oo magaalada naga saarey. Wiilashii ugu weynaa oo wadada garanayay ayuu odeygii wakiil nooga dhigey. Intii uu odeygu nala socdey, socodka waa boob siinayay. Laakiin mar alaale iyo markuu naga harey, ayaa orod la bilbaabey. Oo cidii ordi weysaana, looma jixin jixin oo lama sugin.
Habeenkii oo dhan baan la ordeyney. Hadaad daasho, oo aad istiraahdo naso, meeshaa lagaaga tagayaa. Gurigii kuma laaban kartid oo ma taqaanid wadadii. Dhulku waa mugdi. Bahalo cigood waa maqleysaa. Cabsi baa la jareyneysaa. Waxa keliya oo markaa maskaxdaada ku jira, waa yaan lagaa tegin cidladan oo bahalada casho u noqon caaawa.

Saan u ordeyney ayaan tuulo cidla ah oo Mudulbaraawe la yiraahdo soo gaarney subaxii. Anagoo meeshaa taag-taagan oo wax la sameeyo iyo meel loo dhaqaaqo la garan la`yahey ayaa gaari hal qori saaran yahey oo shidaal raadis ahaa, meeshii yimid. Calaamadii gaariga ayaa la gartey. Markaasii dhalinyaradii rooneyd ku orodey gaarigii. Iyagoo ku qeylinaya waa gaarigii Gaas Dhagool, waa gaarigii Gaas Dhagool.

Nimankii gaariga saarnaa wey soo daagteen oo waa na wareysteen. Intii gaariga qaadi kartey bey qaadeen oo na geeyeen Buulomareer. Halkaa waxaa joogey ciidankii Daarood. Ciidankii markey ka war haleen dhalinyarada timid iyo kuwii laga soo tagey, ayaa qabiil walbaa doontey dhalinyaradiisii.
Markaan gaariga sidaa uga soo dagney, oo garan la`nahney meeshan nimid, dadkaan u nimid iyo meelaan u dhaqaaqno, ayay isheena ku dhacdey adeer Cabduqadir Allaha u naxariistee oo xageena ku soo ordaya. Markaasaan anagana sidii ilmo caruur ah oo nac nac la tusiyay, xagiisii ku wada yaacney. Anagoo jugta iyo oohinta qarsaneyno, baa laysku dheg-dhegey. Cuntey damceen in ay na siiyaan. Oo hilib qalalan ahaa. Saan waan cuni weyney. Dad habeen iyo maalin ordayay oo cunto iyo cabitaana qumana aan heysan, baa la ahaa. Xataa waxaa qosol laheyd, markaan damacney inaan kaadino, oo kaadi naga imaan weysey. Cabaar yar markii meesha la joogey, oo la yara nastey. Baa laga dhaqaajiyay oo dib loogu soo laabtey Kuntuwaarey.

Markaan Kuntuwaarey waxaa la wareegey ciidankii Daarood. Anagana isla markiiba waxaan ugu sii gudubney Kismaanyo.  Oo aheyd meeshii noogu rafaadka iyo dhibka badneyd, intii aan qaxa ku jirney. Haba u daraatee quracii aan hoostiisa degney, oo xajiinta naga dharagtey.  Magaaladaa waxaan ku xasuustaa rafaadka, kuleylka iyo buuqa aan dhamaaneyn. Cabsida iyo qeyladana iskaba daa. Nasiib wanaag wax yar markaa halkaa joogney, baan ka war helney dad u qaxaya oo dhanka xaduuda Kenya. Dadkaa baan sii raacney oo  wadadii Habaar waalid ku shubey. Halkaana waxaan noo sii xigey xeryihii qaxootiga ee Dhoobley iyo Utanga. From qaxooti to qaxooti sidaan ugu jirney, baan Nairobi nimid. Labo sano ka bacdina dalkan Norwey baan 1994 nimid. Ilaa iyo hadana, Ilaah ma suurta gelin inaan dalkii dib ugu laabano.

Akhristow, ulajeedada qoraalkan ma ahan qabiil baa qabiil ka fiican. Ama qabiil baa qabiil ka xun. Waxaan aaminsanahey in qabiil walbaa uu dembiile yahey. Inta uu dembiga le`egyaheyna Ilaah baa ogsoon. Ulajeedada qoraalkeyga ayaa ah iyadoo qabiil leysku dilayay, baa hadana qabiil leysku soo bad-baadiyay. Waana ulajeedada ugu weyn ee aan qoraalkan ka leeyahey. In aan muujiyo wanaaga iyo asxaanka aan isku geysaney, mar uusan wanaag iyo asxaan uusan jirin.  Waa qadar Rabi in ay sidaa wax u dhacaan, laakiin markey bad-baadadeyda intaa qabiil ay ku lug yeesheen. Sharaf bey ii tahey inaan 26 sano ka dib aan idinla wadaago dhacdo aan hilmaami la`ahey. Waxa laga baran karo, waxaan u arkaa in ay somali tahey dad one big family ah. Dad is dhaley, is guursadey oo wada ehel  ah. Waxaan kaloo u arkaa in ay muhiib tahey in la muujiyo wanaagii laysku geystey. Wanaagoo la badiyaa, xumaantey naga yareyneysaa.

Markaad qoraalkan dhameyso ,waxaa dhici kara inaad garato qabiilka aan ahey. Taasi qiimo iima laha. Maxaa yeeley qof kastaa oo somali ah qabiil buu u dhashey. Taan qiimaha ii leh, ayaa ah inaad fahanto in aan qabiileyste aheyn. Qabiilkeyguna waa kaaga, oo waa reer somali.
Waxii qalad iga dhacey, Alaan dembi dhaaf weydiisan! Wabilaahi towfiiq.


Ubax Cabdullahi Aden
Xisbiga shaqaalaha, Norway
ubah72@hotmail.com
http://www.ubahaden.com/

Leave a Reply