Saldhig Ciidamada Itoobiya Ku Leeyihiin Gobolka Galguduud oo la duqeeyay

xarakada-alshabaabWararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in weerar xooggan lagu qaaday saldhig ay ciidanka Xabashida Itoobiya ku leeyihiin deegaan 70 KM ujira magaalada Ceelbuur.

Xalay fiidkii ayay ciidamada Xarakada Al Shabaab madaafiic ku garaaceen saldhigga ciidanka Itoobiya ee deegaanka Budbud.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 madfac ay ku hoobteen saldhigyada ciidamada gumeysiga Itoobiya kaga sugnaayeen Budbud.

Duqeynta ayaa lagusoo beegay xilli ciidmaada Itoobiya ay wadeen dhaq dhaqaaq melleteri oo ay uga baxayaan deegaanno Galguduud katirsan.

Leave a Reply